Shiikh Shariif
Shiikh Axme hala sugo ee yaan Go'aano fudud la iaka qaadan soomaaliyeey
Walaalayaal.
Walaal waxaan aqristay maqaal ku soo baxey
website-kiina taariikhdu markey aheyd 20/08/08, ciwaankiisuna
uu ahaa: Usheega Sheekh Shariif! "Diinkeyga anigaan ku
gaden, dabaqi naareede".
Waxaana jecleestey in aad wax idinka iraahdo.
Marka hore waad ku mahadsantihiin qoraalka naqdiga ah, laakiin
waxaa wanaagsan in aanan qofka muslinka ah aanan lagu xad gudbin
sharaftiisa, ugu maba sii jirto hadii qofka aad ka hadleesaan
uu yahey hogaamiyihii ugu sareeyey halgamaayaasha Soomaali waqtiga
aynu joogno: Allaha dhowro Sheikh Shariif Sh. Axmed.
Waxaan oran lahaa walaalkey qoraaga maqaalkaan
(Yaasiin Bayxan Cali): walaal ha degdegin, nin iibsadey danta
Soomaaliyeed ma jiro, raga heshiiskaan u dhaqaaqey uu ugu horeeyo
Sh. Shariif Sh. Axmed waxa ay wadaan waa dadaal sidii ay ummadaan
soomaali dhibaatada heysata ay uga qaadi lahaayeen (Allaha ku
guuleeyo). Mideeda kale hadeynu nahey Soomaali waxeynu ummadaha
kale aynu uga harney waa dagdaga iyo go'aanka aynu sida fudud
u qaadano.
Waxaan ku soo gaba gabeen laha inta aan Sh.
Shariif lagu tuhmin khiyaano bal marka hore hala siiyo mudo
4 bilood ah, ka dib aynu aragno hadii dalkeeno hooyo uu cadawga
looga saaro wada hadal iyo in kale. Waad mahadsan tihiin. Wixi
soo jeedin ah waa ay furan tahey, mar kale salaan ayaan idiin
dhaafey bahda Falaar.Com Macasalaama.
Ali yarow
(aliyarow@hotmail.co.uk)