SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Puntland oo Dagaalkii ay galmudug la gashey ku fasirtey in ay Al-Shabaab ku weerartay deegaanka Jeexdin

Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaal ay ku qaadeen deegaanka Jeexdin oo ay isku aruursanaayeen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo doonaayay in ay weerar ku qaadaan deegaanka maamulka Puntland.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Jeexdin oo ku yaalla duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka maamulka Punland ayaa sheegay in ay weerareen goob ay joogeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday in aan magaciisa u isticmaalno warbaahinta ayaa sidoo kale sheegay in duqeynta ay iska kaashadeen ciidanka difaaca Puntland iyo sidoo kale saaxiibada caalamka .

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dadka la duqeeyay aysan aheyn Al-Shabaab ,laakiin ay yihiin dad shacab ah iyo sidoo kale ciidamado ka tirsan maamulka Galmudug oo saldhig ku lahaa goobta la duqeyay.

Waxa xusid mudan in deegaanada Jeexdin iyo Godod ay inta badan ku dagaalamaan Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Al-Shabaab gacanta kuma hayaan deegaanka Jeexdin iyo sidoo kale guud ahaanba deegaanada ku yaalla Bariga gobolka Mudug.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®