SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamuka Galmudug oo sheegtay in Diyaarado Dagaal ay Duqeyeen Saldhig Ciidankooda ay ku leeyihiin Gobolka Mudug

Ku xigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed oo ku sugan Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegay in Diyaarado Dagaal oo ay u maleynayaan in Mareykanka uu leeyahay ay Duqeyeen Saldhig Ciidamada Galmudug ay ku leeyihiin Bariga Gobolka Mudug gaar ahaan Aagga Godod.

Duqeynta ayaa waxaa ku dhintay 10 Askari oo Galmudug ah,waxaana ku dhaawacmay Dhowr iyo Toban kale sida uu Kuxigeenka Duqa Degmada Gaalkacyo uu noo sheegay.

Sidoo kale Duqeynta waxaa lagu Gubay Gaari Nuuca Dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada Galmudug ee Duqeynta lagu qaaday.

Maamulka Puntkand Saraakiil u hadlay waxaa ay sheegeen in ay Al-shabaab kula dagaalameen Bariga Gobolka Mudug.

Balse illaa hadda lama Oga Wadanka laga leeyahay Diyaaradaha Duqeeyay Saldhiga Ciidamada Galmudug ee Bariga Gobolka Mudug ay ku leeyihiin.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®