SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wararkii ugu dambeeyay iyo Baaris ka socota Suuqa Bakaaraha oo ay wadan AMISOm


Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka AMISOM ayaa wali howgal xoogan waxa ay ka wadaan Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegagaya in howgal lagu soo qabtay dad aad u farabadan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka soo gala Suuq weyn ee bakaaraha ee magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gawaarida lagu yaqaano ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu jaray isgoysyada soo gala Suuqa Bakaaraha waxaana dadka loo diiday in ay galaan dukaamadooda.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dadka iyo Gaadiidka intabada ka celinaya Suuqa waxaana ay dadka u sheegayaan in aan la ogoleyn in lasoo galo Suuqa Bakaaraha.

Boqolaal Qof oo saakay u soo jarmaaday in ay furtaan goobahooda ganacsi ayaa dhoobay hareeraha laga soo galo Suuqa sida ay sheegeen Qaar kamid ah Ganacsada Suuqa weyn ee bakaaraha.

Xirnaanshaha Wadooyinka Suuq weyn ee bakaaraha ayaa sidoo kale waxaa barbar socda howgal ay wadaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®