SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Somali xukun la’aan ugu xiran Xabsiga Dhexe ee Uganda oo Garsoore uu ku hanjabtay inay sii dayn doonto

Garsoore Elizabeth Nyahamya oo qaadaysa Kiiska loo haysto Muwaadiniin Somali ah ayaa ku goodisay inay sii dayn doonto Maxaabiistaasi oo tiradooda dhan tahay 8 qof, kuwaasi oo xukun la’aan labo sanno ku xiran Xabsiga Dhexe ee Luzira ee magaalladda Kampala.

Garsoore Elizabeth Nyahamya oo Madax ka ah Waaxda Dembiyadda Caalamiga ee Maxkamadda Sare ee Uganda (The International Crimes Division of the High Court) ayaa caddeysay in la sii daynayo Maxaabiista Soomaalida haddii aysan Dowladda Uganda diyaar u ahayn inay Dacwad ku soo oogto.

Maxaabiistaasi ayaa dhawaan codsaday in lagu sii daayo Damiin, maadaama ay Xukun la’aan xiran yihiin tan iyo bishii September ee sannadkii 2014-kii.

Kooxda Dacwad-oogayaasha Dowladda Uganda oo uu horkacayo Rachael Bikoli ayaa ka codsaday Maxkamadda Sare in iyaga laga war sugo ilaa bisha December 15-da, si ay diyaar u noqdaan inay Dacwad ku soo oogaan Maxaabiista Soomaalida oo ay ku eedeynayaan inay taageeraan Xarakadda Al-shabaab iyo inay weerar qarax ka geysan lahaayeen magaalladda Kampala.

Garsoore Elizabeth Nyahamya waxay sheegtay haddii aysan Dacwad-oogayaasha Dowladda diyaar noqon waayaan bisha December 15-da inay taasi micnaheedu tahay inaysan caddaymo u haynin Soomaalida xiran.

Waxayna sheegtay inaysan ka laba-labayn doonin haddii xilligaasi caddaymo la keeni waayo inay amri doonto in Xabsiga laga sii daayo Maxaabiista Soomaalida.

Qareenka u doodayo Maxaabiista Soomaalida oo lagu magacaabo Edwin Tabaro ayaa isagana sheegay inay Eedeysanayaasha muddo dheer u xiran yihiin sabab la xiriirta in laga shakisan yahay.

Waxa uu intaasi ku daray in dadkaasi Maxkamad la soo taagay bishii April 18dii ee sannadkii hore, kadib, markii ay Dacwad-oogayaasha Dowladda sheegeen inay soo dhamaystiraan Gal-dacwadeedka 8-da Soomaalida ee xukun la’aanta ugu xiran Xabsiga Dhexe ee Lusira.

Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran Uganda ayaa lagu kala magacaabaa :-

Mohamed Abdulkadir Hirsi oo lagu nanaayso Mohamed Abdul Aziz Adan,
Abdi Abdullahi Bootan,
Hassan Abduwali Mohamoud,
Mohamed Ahmed Gele,
Yusuf Osman Hussein,
Abdi Ali,
Abdul Kadir Mohamed Mohamud Sandir
Mohamad Yusuf Farah.

Si kastaba ha ahaatee, Muwaadiniintaas Soomaalida ee ayaa la xiray bishii September ee sannadkii 2014-kii, kadib markii Boliska Uganda loo soo far muuqay Dhallinyaradaasi oo xilligaasi ku sugnaa Hotel ku yaalla Xaafadda Kesinyi ee magaalladda Kampala.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®