SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Weerar lagu dhaawacey xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalab sida oo ka dhacay degmada Warta-nabadda ee muqdisho

Wararka naga soo gaaraya xaafada Xararyaale ee degmada Warta nabada ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay goor dhow halkaasi ku weerareen xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada Ciidamada Qalab sida.

Xeerilaaliye ku xigeenka Maxkamada ciidamada Qalabka sida C/laahi Xuseen ayaa waxaa soo gaaray dhaawac sida uu idaacadda Risaala u sheegay gudoomiye ku xigeen ka tirsan degmada Wartanabada.

Qaar ka mid ah ilaalada xeerilaaliye ku xigeenka ayaa dhintay , waxaana sidoo kale dhaawacmay kuwo kale.

kooxaha weerarka geystay ayaa la sheegay in ay wateen gaari nooca raaxada ah , islamarkaana ay xabado ku fureen gaari uu saarnaa xeerilaaliye ku xigeenka maxkamada ciidamada Qalabka sida oo yaalay xaafada xararyaale ee degmada Wartanabada ee gobolka Banaadir.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa xaafadii lagu dhaawacay xeerilaaliye ku xigeenka waxa ay ka bilaabeen howgal ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay askarta ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dhaawaca xeerilaaliye ku xigeenka Maxakamada ciidanka qalabka sida Cabdulaahi Xuseen.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®