SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah-faahin ku saabsan Ciidamadii La Wareegay Bankiga Dhexe ee Puntland oo Isaga Baxay

Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency) oo ka cabanaya mushaaraad la’aan muddo toddobo bilood ah,oo si rasmi ah shalay ula wareegay gacan ku haynta Xarunta Bankiga ee Magaalada Garoowe ayaa saqdii dhexe ee xalay iskaga baxay Xaruntas.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland in ay ku wargliyeen Ciidamada Sirdoonka Puntland ee PIA (Puntland Intelligence Agency) in ay isaga baxaan Xarunta islamarkaana la xalin doono Mushaar la’aanta ay ka cabanayaan.

Ilaa hataan ma jiro Wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Puntland ay ugu hadlayaan arrintaan ka dhacday Magalada Garoowe ee caasimada Puntland, waxaana xusid mudan in deeganada Maamulka Puntland uu ka arimiyo in lacago Canshuur xad dhaaf ah laga qaado dadka shacab ah oo ilaa iminka aan la ogeyn halka lagu bixiyo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®