SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Koonfur Galbeed oo lagu eedeeyey in Colaad Hor leh uu ka ka Hurinayo Magaalada Marko

Maamulka Magaalada Marko ayaa Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir nuur Caraale ku eedeeyey in Colaad Hor leh uu hada ka Hurinaya Magaalada Marko iyo Deegaano ku Xeeran.

Guudoomiya Magaalada Marko ee Xaruunta Gobalka Shabeelaha Hoose Xasan Cumar ayaa Sheegay in Wasiirka Dib u Heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir nuur Caraale uu Mas’uul ka yahay Dhibaatooyinka iyo Colaada u Dhexaysa Beelaha Dega Gobalka Shabeelaha Hoose islamarkaan Lacag faro badan uu ku Bixinayo Abaabulka Dagaal ka soo Cusboonaada Magaalada Marko.

Gudoomiyaha Magaalada Marko oo sii hadlayay ayaa Been abuur ku Tilmaamay hadal ka soo Yeeray Wasiir Caraale kaas oo ahaa in uu shir Dib u heshiisiineed uu u qabtay Beelo Mudooyinkii danbe ku Dagaalamayey Magaalada Marko waxa uuna Cadeeyey in haba yaraatee ay aysan Jirin wax Shir ah oo loo qabtay Beelaha Magaaladaas.

Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Wasiirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed uu Hay’addo Caalami ah lacago uu ka qaatay islamarkaana ay lacagahaas ay Qeyb ka yihiin Abaabulka Dagaal iyo Iska Horkeenka Bulshada ee uu ka Wado Gobalka Shabeelaha Hoose.

Dhan kale Xiriir lala Sameyey si uu Wax uga Weydiiyo Eedeha loo soo jeediyey Wasiirka Dib u heshiisiinta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Caraale Hayeeshee waxa uu ku Jawaabay Erayo Handadaad iyo Aflagaado ah oo aan u qalmin in la baahiyo Anshaxa Wanaagsan ee Saxaafada Awgii.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®