SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ahlu Sunna oo Jawaab kulul ka bixisey hadal ka soo yeeray Wasiirka Arimaha gudaha Somalia C/raxmaan Odawaa

Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Waljameeca ayaa eedeyn kulul u jeediyay Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Sunna, Cali Baashi Faarax Cali ayaa sheegay in Wasiir C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) uu dhibaato badan ka geystay Dalka mudadii uu xilka hayey.

Mr. Cali Baashi ayaa waxuu intaasi ku daray in Wasiirka Arimaha Gudaha uu haatan u joogo sidii uu afduub ugu sameyn la haa Xildhibaanada ka imaanaya Gobolada Dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale ku eedeeyay C/raxmaan Odawaa in uu ka shaqeynayo kala qeybinta Shacabka degga Gobolada Dhexe ee Dalka.

Isagoo sii hadlaya ayaa waxuu ku tilmaamay in sharci darro ay tahay Xildhibaanada lagu soo xulo Magaalada Cadaado waxuuna qeexay in sida saxan ay tahay in Xildhibaanada lagu soo xulo Magaalada Dhuusamareeb.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Ahlu Suna ayaa waxuu imaanayaa kadib markii Wasiir Odawaa uu shaaciyay in Maamulka Ahlu Sunna ay qabad ku yihiin horumarka Gobolada Dhexe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®