SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha doorashooyinka dadban oo sheegay in xildhibanada maamulka Hiiraan Iyo Sh/Dhexe oo Muqdisho lagu soo xulayo

Guddiga doorashooyinka Dadban ee dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlay Halka lagu soo xulaayo xildhibaanada ka imaanaya gobolka ee Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban ee dowladda Soomaaliya Cumar Cabdulle Dhagey ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu soo dooran doono xildhibaanada Baarlamaanka ee gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ka imaanaya.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ay si weyn u soo dhaweeyeen in xildhibaanada Ka imaanaya Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu doorto magaalada Muqdisho.

Bilihii la soo dhaafay ayaa khilaaf xoogan waxa uu ka taagnaa halka lagu soo xulaya xildhibaanada ka imaanaya gobolada Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe , madaam aan wali loo sameyn maamul goboleed ay wadaagaan labada gobol.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®