SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dagaalka ka socda Magalada Xaleb ee Dalka Suuriya oo sii socda iyo Duqeynta oo xafdhaaf noqotey

 

Ciidanka dowladda Suuriya iyo xooggaga mucaaradka ah ayaa ku dagaallamaya deegaan ku yaalla waqooyiga magaalada Xaleb.

Gacan ku haynta degmada Handarat ayaa waxa loolan adag ugu jira dhinacyada ku dagaallamaya Xaleb.

Ciidanka Bashar al-Assad ayaa doonaya in ay qabsadaan degmadaasi waqooyiga uga beegan Xaleb, si ay u adkeeyaan gacan ku hayntooda deegaankaasi.

Haddii ay taasi ku guuleystaan, waxa ay dhabaha u furi kartaa duulaanka ay damacsan yihiin in ay ku xoreysaan guud ahaan Xaleb.

Diyaaradaha dagaalka ayaa maalintii shannaad duqeyn ka wada degmadaasi, waxaana kooxaha u ololeeya xuquuqda aadanaha ay sheegayaan in dad badan ay ku hoos jiraan burburka dhismooyinka halkaasi ku dumay.

Cisbitaallada ayaa buux dhaafay, waxaan kooxda gurmadka ee Koofiyadaha Cad ay sheegaya in ay la daalaadhacayaan sidii ay dhaawaca ku badbaadin lahaayeen, maadaama qudhooda lala beegsaday duqeynta.

Dhanka kale, duqeymaha ay bariga Xaleb ka geysanayaan diyaaradaha Suuriya iyo kuwa Ruushka ayaa gebi ahaanba burburiyay xarunta biyaha siisa bariga Xaleb, taasii ay ku tiirsan yihiin rubuc milyan qof.

Hay'adda UNICEF ayaa sheegtay in dadka deegaankaasi aanay khiyaar kala haysan oo aan ka ahayn in ay cabaan biyo wasakh ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®