SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Xasan oo Amaan kala duldhacey Dowladda Imaaraadka Carabta xiliga kala Guurka

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amaanay dowlada Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo waqtigiisa sharciga ah uu Dhamaaday ayaa tilmaamay in la xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaliya iyo Imaraaddka Carabta haatan iyo Mustaqbalka Soo Socda

“Dowlada Soomaliya iyo shacabkeeda waxay mahad balaaran u jeedinayaan dowlada Imaaraadka Carabta oo ka teegereysa Soomaliya dhinaca Nabad Galyada, dhinaca gar-gaarka, iyo Hormarka,waxaan eegaynaa in si wadajir ah aan ugu wada shaqeyno sidii la iska kaashan lahaa dhamaan qodobadaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud ayaa ku amaanay Dowlada Imaaraadka Carabta doorka ay ku leedahay maalgashi lagu sameeyo dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u tartamaya doorashada Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka ayaa sheegay in la sii xoojin doono xiriirka Labada dalka haduu uu ku Guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®