SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Bombo Gacmeed lagu Weeraray Magaalada Baledweyne Bar Ciidan ay ku lahayeen iyo Faahfaahin ka soo baxeysa


Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cabdi oo hadlay ayaa sheegay in dad badan loo soo qabtay bombo gacmeed xalay lagu weeraray ciidanka dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen tuhmanayaal lagu tuhmaayo in ay ka dambeeyeen Bombo Gacmeed xalay lagu weeraray magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayuu sidoo kale sheegay in ay sii laba jibaari doonaan howgallada ay ka wadaan magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan si loo xaqiijiyo amaanka dadka kunool magaaladaasi.

Kudhawaad 7 ruux ayaa ku dhaawacantay Qaraxa ka dhacay Baledweyne ay sheegeen madax ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa u badan dumar , waxaana la sheegaya in ay caano ku gadaayeen goobta lagu weeraray bombooyinka.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®