SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaaliya oo ka hadashay kulanka Qaramada Midoobey sheegteyna in la garab istaago

 


Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa khudbad uu kaga hadlaayo xaalada Soomaaliya ka jeediyay kulanka guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda magaalada New york ee dalka Mareykanka.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa si weyn uga hadlay arimo badan oo quseeya caalamka iyo sidoo kale xaalada Soomaaliya.

Wasiir Hadliye ayaa ka hadlay la dagaalanka Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in dalalka Caalamka looga baahan yahay in ay dowladda Soomaaliya ay ka taageeraan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada ay wali gacanta ku hayaan.

Waxaa uu xusay in dalalka caalamka looga baahan yahay in ay u midoobaan la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay wasiirka arimaha dibada Soomaaliya isbadelka Cimilada iyo sidoo kale dhaqaalo xumida soo wajahday qaar ka mid ah dalalka Caalamka.

Kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wali ka socda magaalada New York iyadoo ay khudbadaha madaxda caalamka lagu soo qaadayo arrimo badan oo kala duwan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®