SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shirkada Snapchat oo soo bandhigtay ookiyaale kaameero leh

Youtube ayaa laga arki karaa xayaysiinta awkiyaalahan.

Shirkadda fariimaha lagu wadaago ee Snapchat ayaa soo bandhigtay ookiyaale-heedii u horeeyay ee leh kaameero.

Ookiyaalahan oo shirkaddu u bixisay Spectacles ayaa la suuq gayn doonaa dhamaadka sanadkan isaga oo lagu iibin doono 130 doolaar.

Ookiyaalahani wuxuu halkii marba duubi karaa 10 ilbiriqsi.

Ku dhawaaqitaan kan awgii Snapchat ayaa magaceeda ku badalaysa Snap, Inc.

Go'aankan ay shirkaddu magaca ku badalatay ayaa hoosta ka xariiqaya hamigeeda ah in aysan ku koobnaanin meel fariimo laisugu diro oo kali ah, inkastoo uu aad caan uga dhex yahay dhallinyarada.
Wargaysta Wall Street Journal ayaa Jimcihii daabacay maqaal uu uga hadlayo Evan Spiegel oo ah 26 jirka aas aasay Snapchat.

Waxaana la socday sawirro badan oo uu ka qaaday Karl Lagerfeld oo ah nin ku caan baxay sawirro qaadidda.

Even wuxuu sheegay in fasixiisii u horeeyay ee uu ku isticmaalo awkiyaalahan uu ku tagay Californian state park uuna ka soo qaaday muuqaalo xoogaa kaddib markii uu daawadayna uu aad oola dhacay in xasuustiisii ay indhihiisa hor taallo.

Ookiyaalaha kala dhiman
Ookiyaalahanni wuxuu dad badan xasuusin doonaa isku daygii shirkadda baaritaanka ee Google ay ku damacsanayd in ay samayso awkiyaalle caaqil ah.

Dad badan ayaa awkiyaalaha Google u arkay in qofka xirtaa uu doqon u ekaanayo

Dad badan ayaa awkiyaalaha Google u arkay in qofka xirtaa uu doqon u ekaanayo

Inkastoo Ookiyaalaha Google uu galay gacmaha shirkadihii sii sancayn lahaa ee adduunka dacaladiisa ku kala sugnaa iyaga oo midkaste oo ookiyaalahaas ka mid ah uu ugu kacay 1,500 oo doolar, haddana marnaba uma soo dhawaan in uu soo gaaro macaamiisha.

Shirkadda Google ayaa markii dambe hakisay samaynta ookiyaalahaas, balse waxay wali ku adkaysanaysaa in fikraddaasi aysan dhimanin.

Inkastoo caddaadis dhanka sancada ah uu soo fuulay oowkiyaalahan haddana waxaaba taas ka sii darnaatay aragtida ay dadwaynuhu ka qaateen, qaar waxay u arkeen in tiknoolajiyaddan ay khatar ku tahay xogta gaarka ah ee shaqsiga, qaarkoodna waxayba ka dideen sida loo farsameeyay oo waxay u arkeen in uu fool xun yahay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®