SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faahfaahin Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Muqdisho oo ay ku dhinteen ilaa 2 qofood

Shil gaari oo Dhimasho iyo dhaawac geeystay ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Shilka ayaa yimid ka dib markii Gaari xowli ku socday uu wada kaleexday dibna uu jiiray dad maraayay wadada geeskeeda sida ay Risaala u sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa Laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay geeriyoodeen, sidoo kalena ay dhaawacmeen dad tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 4-ruux sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay u gurmadeen dadkii ay dhibaato soo gaartay , islamarkaana loosoo cararay isbitaalada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Gudoomiyaha deegaanka Garasbaaleey ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen wadihii waday gaariga dadka laayay , islamarkaana ay sharciga horkeeni doonaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®