SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dhalinyaro Soomaali ah oo codsaday in lagu siidaayo damaanad Dalka UGANDA

7 qof oo Soomaali ah oo ku xiran xabsi ku yaalla magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa codsatay in lagu siidaayo damaanad ka dib markii ay muddo ay ku xirnaayeen xabsiga , iyaga oo aan helin cadaalad ku filan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa ku andacoonaaya in ay muddo dheer ku xirnaayeen xabsiga , in badana ay kasoo hormuuqdeen maxkamad ku taalla magaalada Kampala walina aysan qirsaneyn in ay yihiin Al-Shabaab.

Dadkaan ayaa la qabtay sanadkii 2014 tii ka dib markii ciidamada Booliska ay ku eedeeyeen in ay Al-Shabaab taakuleyn jireen ayna abaabuli jireen dadka doonaya in ay ku biiraan Al-Shabaab.

Todobadaan qof ee Soomaalida ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay taageero weyn ay u fidiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa horay ugu riday dadkaan xukuno kala duwan oo ku aadan falalka lagu eedeeyay ,waxaana ay hada dalbanayaan in lagu siidaayo damaanad.

29 Bishaan ayaa lagu wado in maxkamad ku taalla magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ay eegto codsiyada dadka Soomaaliyeed ee ku aadan in lagu siidaayo damaanad.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®