SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
24/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka oo Soomaaliya ka iibnaya Gaadiid Dagaal

Wasaarada Gaashaandhiga ee Dalka Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Shirkada Difaaca ee Oshkosh ay Gaadiid Dagaal ka iibineyso Dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Shirkadan ayaa Gadiidka waxey ka iibin doontaa Dalalka Somalia, Iraq iyo Cameroon, sida laga soo xigtay Wasaarada Difaaca ee Dalka Mareykanka.

Gawaaridaan oo ah nuuca Dagaalka ayaa lagu tilmaamay kuwa wanaagsan hadii ay heleen Soomaaliyana ay wax badan u qaban doonaan marka la eego Dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab.

Mareykanka ayaa Soomaaliya waxuu ka taageeraa inta badan wiiqida awooda Xarakada Al Shabaab, iyadoona xusid mudan in Xoogaga Mareykanka ay ka qeyb qaateen Weeraro dhowr ah oo lagu qaaday Xarumaha iyo Saraakiisha Al Shabaab.

Sikastaba, Dagaal yahano hubeysan oo ka mid ah Xarakada Al Shabaab ayaa weli ku sugan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolada qaar ee Dalka Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®