SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka oo Soo Saaray Tirada Qaxootiga Soomaliyeed ee ay Qaabilen sandihii ugu dnbeyey

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay qaabishay ku dhowaad 100,000 qof oo Qaxooti Somaliyeed ah islamarkaan ay dib u dejin u samaysay illaa iyo 9/11 kuwaas oo ay ku jiraan 8,619-qof oo sanadkii ugu dambeeyay loo ogolaaday in ay ku noolaadaan dalkaas.

Tirada ugu badan dadkaas oo ah 16% ayaa ah kuwa la qaabilay 15-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa dib u dejin loogu sameeyay magaaladaMinnesota,halkaas oo hoy u ah Somalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.

Qaxootiga Somalida ee maraykanku uu u ogolaaday dalkiisa ayaa gaaraya illaa 97,046-qof lagasoo bilaabo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday maraykanka sanadkii 2001-dii,

Dadkaas la qaabilay ayaa la tilmaamay in 99.6% ay yihiin dad muslim ah sida lagu sheegay warbixinta maraykanka laga soo saaray, sidookale 28,836 29.7% ayaa waxaa ay yihiin rag da’doodu ay u dhaxayso 14 illaa 50.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka ayaa warbixinta lagu sheegay in qaxootiga Somaliyeed ay noqdeen kuwa ugu badan ee sedexaad oo maraykanku uu qaabilo,taas oo ah 8,858, una dhiganta 12.6 % qaxootiga dunida oo dhan ee la qaabilay, kaliyaha Waxaa ka horeeya dalalka Barma iyo Ciraaq ay dagaalo ay ka jiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®