SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Afhayenka Al Shabaab oo ku dhawaaqay weeraro ka dhan ah Goobaha Doorashooyinka

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) ayaa markii ugu horeysay si kulul uga hadlay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan Magaalada Muqdisho iyo qorshaha uga dagan Xarakada Al Shabaab.

Afhayeen Cali Dheere ayaa waxuu shaaca ka qaaday in go’aanka uga dagan doorashooyinka uu yahay Dil iyo Dagaal, sida uu hadalka u dhigay, waxuuna intaasi ku daray in ay qaadi doonaan weeraro ka dhan ah goobaha lagu qabanayo doorashooyinkaasi.

Erayada Afhayeenka Al Shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa waxaa ka mid ahaa in doorashooyinka ay ku jiraan ajandayaal ay leeyihiin Dowlado Shisheeye, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Cali Dheere ayaa fariin digniin ah u diray 135-ta Oday Dhaqameed ee soo xuli doona Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee soo socda, waxuuna uga digay in ay noqdaan jaranjaro la fuulo markii dan lagu gaarana, meel cidlo lagu dayaco.

Ugu dambeyn, Afhayeenka ayaa waxuu ugu baaqay Dagaalyahanada Al Shabaab in ay diyaarinayaan weeraro xoogan oo ka dhan ah goobaha lagu qabanayo doorashooyinka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®