SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
20/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo sheegay in ay ka soo hor jedaan Shirka ka socda Jowhar iyo dhismaha la doonayo in loo sameeyo

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in dadka kunool gobolka Hiiraan uusan quseyn shirka maamulka u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyahay ayaa sheegay in aysan jirin wax ay ku heshiiyeen dadka kunool Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sheegay in shacabka reer Hiiraan aysan aqbali doonin ay la midoobaan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in ay muhiim tahay in siyaasada gobolka Hiiraan wax laga waydiiyo maamulka Hiiraan iyo sidoo kale waxgaradka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka furay magaalada Jowhar wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale shir waxaa uu kaga socda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaa soo looga soo horjeedo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®