SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ergooyinka Shirka Jowhar iyo IGAD oo kulan ay yeesheen Fashil uu ku soo dhamadey

Maalinimadii Shalay ayaa lagu kala tagay Shirka maamulka loogu sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisu tiilay Magaalada Jowhar ayaa Urur Goboleedka IGAD waxa ay u yeereen Ergada ka qeyb galeysa Shirkaasi.

IGAD ayaa kulan ay Ergada wada qaateen kala hadashay Arrimaha Maamul u sameynta , kaasi oo la sheegay in uu ku soo gaba gaboobay is afgaran waa.

Mid ka mid Ergadii ka qeyb gashay Kulanka ayaa sheegay in kulankaas uu fashil ku soo gaba gaboobay,waxaana uu intaas sii raaciyay in Urur Goboleedka IGAD ay ugu baaqeen in faraha kala baxaan Arrimaha Maamul u sameynta.

Dhinaca kale Nabadoonka oo hadalkiisa sii wata ayaa ku eedeeyay IGAD Eex iyo Nin Jecleysi sida uu hadalka u dhigay.

Shirka Maamul u sameynta labada Gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa weli waxaa ka jira is jiid jiid xoogan xilli dhawaan un Madaxweynaha dowladda Federaalka waqtigiisu dhamaaday wajiga 2aad ee Shirkaas uu xariga ka jaray.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®