SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey oo Maanta Furmaya

Shirka golaha Guud ee Qaramadda Midoobey ayaa Maanta lagu wadaa in uu ka furmo magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Kulanka ayaa waxaa lagu wadaa in maanta diirada lagu soo saaro qodobo dhowr oo ay ka mid yihiin arimaha qaxootiga oo sameyn weyn ku yeeshay dunida oo dhan.

Kulanka ee Qaramada Midoobey ayaa looga doodi doonaa sida Qaxootiga Caalamka dib u dajin loogu sameyn karo iyo sidii loo bad baadin lahaa kumanaan qof oo qaxootinimo u dhimanaaya.

Waxaa ay sidoo kale ka hadli doonaan sidii loo taageera lahaa dalalka Qaxootiga adduunka ugu badan ay ka yimaadeen.

Kooxda kor kala socota Xasarada Caalamka ayaa sheegtay in ay Soomaaliya ay kaalinta 3 aad ka gashay dalalka Qaxootiga adduunka ugu badan ay ka yimaadeen.

Kooxdaasi ayaa sidoo kale xustay in weerarada joogta ah ee geystaan Ururka Al-Shabaab ay sabab u noqotay in aysan dib ugu soo laaban dalkooda Qaxootiga Soomaaliyeed.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®