SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaaliya oo rajo ka muujisay Dacwada kala dhaxeysa Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay rajo wanaagsan ka qabto in ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhaxeysa dalka Kenya .

Xeerilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in ay guul ka gaarto dacwada kala dhaxeysa dowladda Kenya.

Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay dowladda u muujiyaan kalsooni madaam dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay in ay difaacdo dhulkooda.

Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maanta ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.

Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa gaaray magaalada Hogue ee dalka Holland.

Maxkamadda ICJ ayaa horay u sheegtay in bishaan September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®