SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Indhacade oo sheegay in Qaraxyada Al Shabaab meel aan Xamar ahayn aysan ku diyaarin

Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ka hadlayay weeraradii Al Shabaab ay ka geysteen Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Al Shabaab sababaha weeraradooda ay u sii xoogeysanayaan ay ugu wacantahay Diyaar garow la’aan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ka hortagga weerarada ay soo qorsheeyaan Al Shabaab-ku.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad ( Indhacade) ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in sababta u fududeysa Al Shabaab weeraradooda islamarkaana iyaga khasaarahooda uu yaraado tahay iyaga oo aan lahayn meel loogu hagaago oo lagu Bartilmaamsado halka Ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iyagu yihiin kuwo baro cayiman leh.

Dhinaca kale mar uu ka hadlayay Jeneraal Indhacade goobaha ay ku soo diyaariyaan Al Shabaab weeraradooda Qaraxyada oo Saraakiisha Ammaanka qaarkooda ay horay ugu sheegeen qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa taasi gaashaanka u daruuray isagoo carabka ku adkeeyay in Al Shabaab Qaraxyada ay ku diyaariyaan gudaha Muqdisho ama deegaanada ku dhow dhow ee duleedyadeeda ah sida deegaanka Ceelasha Biyaha oo uu carab dhaway.

Al Shabaab ayaa sii xoojiyay weeraradooda xilli dalka uu ku guda jiro xaalad kala guur ah suna diyaarinayo Doorashooyinka Baarlamaanig iyo mida Madaxtinimo intaba.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®