SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
19/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Musharaxiinta Mucaaradka oo ku gacan seyray go’aanka lagu mamnuucay banaan baxyada

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ka hor-yimid go’aan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo lagu mamnuucay in aan dibad baxyo lagu qaban karin magaalada Muqdisho, iyadoo aan wax ruqsad ah looga heysan Maamulka.

Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah Musharaxiinta ayaa ku tilmaamay go’aanka ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mid siyaasad ka dambeysay, isla markaana aanay wax sharciyad ah ku dhisneyn.

“Go’aankaas waa mid siyaasad ka dambeyso, oo aan sharci ku dhisneyn, waa waqti doorasho lagu jiro, shirar baa dhici karaa, hadii qalad yimaado waa in banaan bax la sameeyaa, waa wax aysan awood u laheyn, qof ka yeelayana ma jirto”ayuu yiri Tarsan oo ku gacan seyray go’aanka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Tarsan ayaa sheegay in go’aankan uu si toos ah uga hor imaanayo dastuurka, isagoo xusay in wax ruqsad ah looga weydiisan doonin arrintan Maamulka Gobolka Banaadir.

“Waa mid si too ah dastuurka uga hor imaanaya, ruqsad lama weydiisanayo, qofka Soomaaliga wuxuu xaq u leeyahay inuu banaan baxo, shirar qabsado, sharci taas ka hor imaanaya ma jirto, mana laga ogolaan doono”ayuu yiri Maxamuud Axmed Tarsan oo la hadlayay Idaacada VOA.

Dhowaan ayay aheyd markii Wasaaradda Amniga ay soo saartay warqad lagu mamnuucayo in shirar aanay ogeyn Wasaarada lagu qabto Hotelada, iyadoo aanay wax fasax ah looga heysan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®