SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muran ka taagan Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Muran xoogan ayaa ka taagan qaabka loo soo xulaayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.

Qaar ka mid ah beelaha ku sugan shirka ka socda magaalaa Jowhar ayaa si weyn ugu kala aragti duwan soo xulista xildhibaanada uu yeelanaayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe loo dhisaayo.

Gudoomiyaha ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cusmaan Cali ayaa sheegay in qaar ka mid ah beelaha ka qeyb galaya shirka Jowhar la xaqiraayo.

Wasaarada arimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in ay jaan goysay xildhibaanada uu yeelanayo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sheekh Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in shirka magaalada Jowhar uu qarka u saaran yahay in uu burburo ka dib markii beelaha qaar ay waayeen xildhibaano ay leeyihiin.

Sikastaba Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa kasoo horjeedo shirka kasocdo magaalada Jowhar , waxaana shir gaar ah ay ka furteen magaalda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor magaalada Jowhar ka furay wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®