SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
18/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dacwada Badda Soomaaliya iyo Kenya oo Isniinta furmeysa

Dacwada badda ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu wadaa in ay maalinta bari ah ay ka furanto magaalada Hague ee dalka Holland.

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta dalka Kenya Madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa gaaray magaalada Hague ee dalka Holland si ay uga qeyb galaan dacwada badda ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya.

Qareeno , suxufiyiin iyo sidoo kale aqoonyahano ku xeeldheer arimaha badda ayaa lagu soo waramaya in ay sidoo kale gaareen magaalada Hague ee dalka Holland

Wararka ay laga helaayo Maxkamadda ICJ ayaa sheegaya in dacwado ay furmeyso maalinta Bari ah , waxaana ay socon doontaan dhageysiga muddo ku siman afar maalmood oo si galin galin ah loo dhageysan doono dacwada dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa horay u sheegtay in bisha September ee sanadkaan ay bilaabaneyso qaadista dacwadda Soomaaliya ay ka gudbisay Dowladda Kenya oo kusoo xadgudubtay qeyb ka mid ah Badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Dowladda Kenya ayaa lagu eedeeyay in gudaha u gashay qeyb badan oo ka mid ah badda Soomaaliya, halkaasi oo la rumeysan yahay in uu ku badan yahay Shidaalka iyo Kalluunka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®