SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Dowladda oo dib ula wareegay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo

Faah faahinno laga helayaa dagaalkii cuslaa ee gelinkii dambe ee shalay Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ka dhacay.

Ilo ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanno badan oo ka tirsan Al Shabaab iyo Gaadiid dagaal oo ay ku jireen Gawaari ay horay uga qabsaden Ciidamada Kenya markii ay weerarayeen Saldhigoodii Ceelcade ay ku soo weerareen degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka Al Shabaab ay la kowsadeen degmadaasi ay uga qaadeen 2 Jiho iyagoo mid ka mid ah weeraradooda kala kulmay dhinaca Ciidamada Dowladda Iska Caabin xoogan.

Ugu yaraan 10 Dagaalyahan ayaa Al Shabaab looga dilay degmada Ceelwaaq islamarkaana Qoryo looga furtay dagaalyahanadaasi weerarka soo qaaday.

Intaas kadib ayaa Al Shabaab waxa ay heleen gurmad xoogan oo Ciidamada dowladda ku qasabtay in gebi ahaan ay degmadaasi isaga baxaan.

Al Shabaab ayaa markii ay la wareegayeen degmada Ceelwaaq halkaas ku dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Taliyihii Saldhiga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo iyo sidoo kale ku xigeenkiisa ayaa dagaalyahanada Al Shabaab ay ku qaarijiyeen gudaha Saldhigaasi Ceelwaaq.

Wararka ugu dambeeyay ee degmadaasi Ceelwaaq ee Gobolka Gedo aynu ka heleyno ayaa sheegaya in Dagaalyahanadii Al Shabaab ay si iskood ah isaga baxeen degmadaasi, ayna dib ugu soo laabteen Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Waxaana saaka lagu arkay gudaha degmada Ceelwaaq Meydadka illaa 6 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Markii ay isaga baxayeen Al Shabaab degmada Ceelwaaq ayaa la soo warinayaa in horay uga kaxeysteen halkaas illaa 3 Askari oo Nolosha ay ku qabsadeen.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®