SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al Shabaab oo Saacado gacanta ku dhigay Deegaan ka tirsan Shabeelaha Hoose

Wararka aan ka heleyno Deegaanka Muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegaya in Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab ay xalay weerar dhowr Jiho Leh ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Dowlada Soomaaliya ay Ku lahaayeen Deegaanka Muuri ee Dhacda Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka oo aad u xooganaaa ayaa waxaa uu ku bilawday Qoryaha Garbaha Laga tuuro oo Al Shabaab ay Ku garaaceen Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku lahaayeen Bartamaha Deegaankaasi Muuri waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka dhacay Dagaal Culus oo u dhaxeeyey Dagaalyahanadii ka tirsanaa Al Shabaab ee weerar Soo qaaday iyo Ciidankii Ku Sugnaa Saldhigaasi

Wararka ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in Al Shabaab ay u suurta gashay in muddo Saacado ah ay la wareegaan deegaankaasi gacan ku heyntiisa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa sheegay in Mudadii Al Shabaab ay halkaasi gacanta ku hayeen ay gubeen labo Guri oo ay degenaayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya islamarkaana ay nolosha ku wateen 3 Ruux oo ka mid ahaaa Dadka Deegaankaasi.

Gudoomiyaha Deegaanka No50 Cabdulaahi Waafoow oo isagoo ku sugan Deegaanka Muuri oo la hadlay Idaacada Shabelle ee Muqdisho ayaa Sheegay in Ciidanka Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Deegaanka ay iska Caabiyeen weerar culus oo Al Shabaab ay xalay ku qaadeen Muuri Wuxuuna intaas uu ku daray in aan la xaqiijin karin Khasaarooyinka rasmiga ah ee uu geystay dagaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee saaka naga soo gaaraya Deegaankaasi ayaa sheegaya in saakay Xaaladda Deegaanka Muuri ay degen tahay waxaana xalay saqdii dhexe dib uga gurtay Dagaalyahanadii Al Shabaab ee halkaas dagaalka kula wareegay kadib markii Ciidamadii dowladda ay qabsadeen halkaas Gurmad xoogan ay ka soo kala gaareen degmooyinka Gobolka Shabeelaha Hoose.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®