SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Feysal Cali Waraabe oo shgay in la doonayo Soomaaliya in Map-ka Adduunka laga tir tiro

Siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo ka mid ah Axsaabta Mucaaradka maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay Shirarka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran ee looga hadlo arrimaha Doorashooyinka Dalka.

Mr Waraabe ayaa hoosta ka xariiqay in Shirarkaasi uu yahey mid gadaal ay ka riixayaan Dad Ajnabi ah isagoo cod dheer ku sheegay in la doonayo in Soomaaliya Maabka Adduunka laga tiro, waxaana uu u cuskaday fikirkiisa haddii la Maslaxad Soomaaliyeed looga hadlayay Shirarka Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaasha Qaran Soomaalida ayaa la isugu Madax baneyn lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo wax laga weydiisay waxa uu ka qabo qabsoomida doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya ayuu sheegay in Baarlamamaan iyo hoggaan dowladeed intaba la soo dooranayo balse ay noqonayaan kuwa maqaar saar ah, oo aan lahayn Haybaddii dowladnimo, ee awooda u lahayd qaadista Canshuuraha, xaqiijinta Amniga , Horumarinta iyo adeegyada kale ee dowladi qabato sida uu yiri.

Hadalka Siyaasiga Feysal Cali Waraabe ayaa ku soo beegmaya kadib markii shalay Shirkii Madasha Wadatashiga Hoggaamiyayaash Qaran lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, lagana soo saaray War Murtiyeed ay ku mideysan yihiin Masuuliyiintii Shirkaas ka qeyb galay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®