SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah faahinta weerar lagu qaaday Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere ee gobolka Gedo


Iyadoo xalay Bambo Gamcmeed lagu weeraray Guriga uu Baardheere ka degan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi ayaa waxa ay Ciidanka Amniga wadaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo sidoo kalena lagu soo qabanayo kooxihii ka dambeeyay weerarka.

Taliye ku xigeenka Magaalada Baardheere Cabdi Maxamuud ayaa sheegay in xalay weerarka Bambo gacmeed loo adeegsaday ee lagu weeraray Gudoomiyaha Maxkamada Baardheere, isagoo sidoo kale sheegay in ay wadaan Howlgallo lagu soo qab qabanayo kooxihii weerarka soo qaaday.

Wuxuu sheegay in weerarka uusan geysan khasaare, sidoo kalena ay ka hortageen ilaalada Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka xalay lagu qaaday Guriga uu Baardheere ka degan yahay Gudoomiyaha Maxkamada Magaalada Baardheere Sheekh Cabdi.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®