SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wadooyinkii xirnaa ee Magaalada Muqdisho oo Dib Loo Furey

 

Barqanimadii maanta waxaa dib loo furey isu socodkii gaadiidka wadooyinka Magaalada Muqdisho oo lixdii Cisho ee la soo dhaafay u xirnaa suggida ammaanka Shirkii IGAD ee shalay ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowlada Soomaliya ayaa Laamiyada wadooyinka muhiihka ah ee Magaalada Muqdisho ka qaaday biro iyo qalabyo kale oo lagu xirey wadooyinkaas, xili Dowladda Federalka Somaliya amar guud ku bixisay in si weyn loo adkeeyo ammaanka Caasimada Magaalada Muqdisho.

Shacabka Magaalada Muqdisho oo Mudooyinkii dambe ku dhibanaa xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay Talaabada dib loogu furey isu socodkii gaadiidka wadooyinka.

Gaadiidka yar yar iyo kuwa dadweynaha ay raacaan ee Biel-ka loo yaqaano ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe ka caaganaa gaadiidka dadweynaha kaliyaha waxaa isticmaalayay Gaadiidka Dowladda.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®