SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hay’adda Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay oo sheegtay in 5 shaqaaleheeda ka tirsan laga xiray Muqdisho



Hay’adda xuquuqda aadanaha ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano HRW ayaa Warbixin ay soo saartay waxey ku sheegtay in dhawaan Ciidamada Nabad Sugida ay Magaalada Muqdisho ku xireen Shaqaalo ka mid ah HRW.

Hay’adda HRW ayaa shaaca ka qaaday in 5 ka mid ah Shaqaalaheeda si sharci darro ah loogu xiray saldhig ku yaalla Magaalada Muqdisho.

HRW ayaa ku sheegtay magacyada shaqaalaha laga xiray, Cabdiwahaab Cali Muumin, Cabdiraxmaan Cali Muumin, Shafici Cabdicasiis, Maxamed Saciid Bare iyo Cabdirixmaan Muusa.

Hay’adda ayaa tilmaamtay in shaqaalahooda la sii daayay 6 bishan balse la soo xiry iyagoo aan wax dambi ah lagu heyn.

Laetitia Bader oo ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda HRW ayaa shaacisay in ay la xiriirtay Hay’adda Nabd Sugida balse ay ka weysay wax jawaab ah oo ku aadan xiriga iyo eedeymaha shaqaalahooda.

Hay’adda ayaa ugu dambeyn shaaca ka qaaday in Warbixin ka so baxday Qaramada Midoobay horeentii bishan lagu sheegay in tacdiyadaha Hay’adda Nabad Sugida ay ka mid tahay caburinta Xoriyatul qowlka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®