SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xaaladda Caafimaad ee Wariye  Afrika oo Soo Hagaagaysa

 


Xaaladda Caafimaad ee Wariye C/casiis Maxamuud Guulleed afrika oo kamid Wariyaasha ka Howlgala Talefishinka iyo Raadiyaha dowlada ayaa soo hagaagaysa kadib markii uu ku dhaawacmay israsaaseen dhexmartay Ciidamo kawada Tirsan kuwa Dowlada Soomaliya oo ka dhacday degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Wariye C/casiis Maxamuud Guulleed Afrika oo haatan jiifa mid kamid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhaawac  fudud uu kasoo gaaray dhanka lugta islamarkaana ay rasaas ku fureen ciidamo ka amar qaata Taliyaha Guutada 12-ka april ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed JeneraalSaney, isagoo beeniyay warar baraha bulshada lagu daabacay oo ahaa in uu ku geeriyooday israsaaseenta ka dhacday Degmada Boondheere.

Shlay ayay aheyd markii Ciidamo ka kala Tirsan Malatariga Iyo Booliska  Dowladda Soomaliya ay ku dagaalameen Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada Militariga Dowlada Soomaliya , ayaa waxay doonayeen sida la sheegay inay wadada maraan, halka Ciidamada Booliska Soomaliya oo ay wadada u xirneyd, ay taasi ka horyimaadeentaasina ayna sababtay in dagaal uu dhexmaray.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®