SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Soomaliya oo Maanta ku Wajahan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

 

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta ku Wajahan Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe si uu u bogaadiyo dadaalada Urur Goboleedka IGAD ee Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe haatan laga dareemayo qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

Amaanka Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa lagu arkayaa Gudaha Magaaladaas Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Soomaliya iyo Kuwa Midowga Afrika ee Amisom.

Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada Gobol, Saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo IGAD ayaa kulamo lagu dar dar gelinayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku yeeshay Jowhar, waxaana la isku afgartay in maalmaha soo socda odayaasha dhaqanka ay soo gudbiyaan qaabkii ay u qeybsadeen xildhibaanada baarlamaanka oo ka koobnaan doono 71 xubnood.

Dhanka kala Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaliya Pro: Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka sheegay magaalada Jowhar in 3-da October ee bisha soo socoto la dooran doono Madaxweynaha Maamulka Cusub ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®