SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diyaaradihii Qaadka Ka Keeni jirey Kenya oo Maanta Dib u Bilaabanaya duulimaadkooda

 

Waxaa maanta oo Arbaco ah dib u bilaabanaya duulimaadyadii diyaaradaha qaadka ka keeni jirey dalka Kenya kadib markii dowladaha Soomaliya iyo Kenya ay isku raaceen in xayiraada laga qaado qaadkii ka imaan jirey dalkaas.

Kulan gooni ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo dhigiisa ??Somaliya Mudane Hassan Shiikh Maxamuud oo ka qayb galayey shir madaxeedkii dalalka IGAD ee Muqdisho ka dhacay ayaa ku heshiiyey in si degdeg ah loo soo afjaro xayiraaddii muddada todobaadka ka badan saarnayd qaadkii Soomaaliya uga imaanayey Kenya.

Sidoo kale, Labada Madaxweyne ayaa isla go’aamiyey in la joojiyo Dadyuuradaha rakaabka Muqdisho ka baxa oo inta aysan gaarin magaalada Nairobi lagu baari jiray magaalada Wajeer, waxaana hadda ka dib dayuuradahan ay si toos ah u tegi doonaan Nairobi, waxaana baaritaanka Wajeer dhibaato badan ku qabay rakaabka la socda dayuuradaha.

Madaxweyne Kenyatta, Madaxweynihii ugu horeyeeyay ee Kenya ah ee soo booqda magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya muddo 30 sano ah, ayaa sidoo kale heshiis rasmi ah kula saxiixday dhigiisa Soomaliya in Bangiyada Ganacsiga Kenya xafiis ka furtaan Muqdisho.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®