SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
14/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras oo la dilay

 


Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceel Garas ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay gudoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa geystay Askari horey uga tirsanaan jiray askarta ciidanka dowladda Soomaaliya hadana ka mid ahaa ganacsatada kunool deegaanka Ceelgaras ee gobolka Galgaduud.

Gudoomiyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Cali Raage sida ay sheegeen dadka deegaanka .

Gudoomiyaha ayaa u sheegay askariga horay uga tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya in uu kusoo biiro Al-Shabaab , madaam horayba uu ula shaqeyn jiray dowladda Soomaaliya.

Laakiin ninka ganacsadaha ah horeyna uga tirsanaa askarta dowladda Soomaaliya ayaa arintaasi diiday , ka dibna waxaan la sheegay khilaaf ka dib in uu soo qaatay qori oo uu toogtay gudoomiyihii Al-Shabaab ee deegaanka Ceelgaras Faarax Cali Raage.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®