SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowladda oo sheegtay in uu furmay Shirka maamul Sameynta Sh/Dhexe iyo Hiiraan


Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya C/laahi Maxamed, Xoghayaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda Federaalka Soomaliya Pro. Yaxye iyo Mas’uuliyiin ka socota Urur Goboleedka IGAD ayaa Magaaladaasi shalay kulan kula qaatay Waxgaradka iyo Duubabka halkaasi u jooga shirka maamul usameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Shirkan ay shalay Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Urur Goboleedka IGAD ay la qaateen Waxgaradka iyo Duubabka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa shirkan mudada dheer qaatay.

Xoghayaha wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in uu furmay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sheegay in shirka uu u furmay si rasmi ah , islamarkaana waxgaradka Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan ay joogaan Goobta uu ka furmay Shirka.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaanaan ka qeyb galeynin Shirka Jowhar sida uu horay u shaaciyay Ugaas Xasan oo ka mid ah waxgaradka ugu caansan gobolka Hiiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®