SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Xasan, Prof, Jawaari, R/Wasare Cumar, iyo Dr Cabdiwali Gaas oo Masjidka Isbaheysiga Muqdisho Kula tukaday Shacab

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan ( Jawaari), Raisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda iyo qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamulada dalka, ayaa boqolaal kamid ah dadweynaha reer Muqdisho waxa ay salaadda ciidul Adxa kula dukadeen Masjidka weyn ee isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo salaada ka dib khudbad dheer ka jeediyay Masjidka ayaa waxaa uu ka hadlay arimo badan oo xaaladda dalka la xiriira gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo arimaha bulshada.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa guud ahaan umadda Soomaaliyeed waxaa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxa oo maalinta kow ah, isagoona sheegay in loo baahan yahay in qofkasta uu ka qeyb qaato dhismaha dowladnimada dalka.

Madaxweynaha ayaa markii amniga ka hadlayay waxaa uu mar kale ku celiyay booq uu u jeediyay dhalinyarada ay marin abaabiyeen ururka Al-shabaab, waxaana uu ugu yeeray in ay u soo laabtaan dadkooda isla markaana ka tanaasulaan fekirkaas munxarifka ah ee ku dhisan baabi’inta shacabka Soomaaliyeed.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®