SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay dhaliilaha maalmihii ugu dambeeyay kaga imaanaayay musharaxiinta.

 

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya oo Xalay shir jaraa’id ku qabtay Madaxtooyada, ayaa waxaa uu ka hadlay arrimo badan, iyadoo uu soo hadalqaaday dhaliilaha maalmihii ugu dambeeyay kaga imaanaayay musharaxiinta.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa marka hore hambalyada Ciidul Adxaa u diray dadka Somaliyeed, iyadoo uu ugu baaqay in la kaalmeeyo dadka danyarta ah.

Madaxweynaha oo ka hadlaayay dhaliilaha siyaasiyiinta, ayaa yiri “Nasiib-darro beryahaan dalka Somaliya iyo meelo badan umadda Somaliyeed dhexdeeda hadaaq badan oo siyaasadeed ayaa ka yeeraayay.”

“Dhinac waa nasiib-wanaag maanta in dadka Somalida ah ay u soo istaageen talada, oo qof walba dadka Somaliyeed hogaankiisa iyo taladiisa uu qayb lixaad leh ka qaato inuu rabo. Waan ku hambalyeeynayaa dadka dhalinyarada ah ee siyaasiyiinta ee Somalida ah, ee arrintaa doonaaya.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

“Halka mid ee nasiib-darrada aan ku tilmaamaayo waxay tahay in qofka siyaasiga ah ee doonaaya siyaasadda inuu u istaago in ay siyaasaddii ay hogaankii ka gashay. Masuuliyadda in loo dhiibo uu ku rabo inuu dalka caayo, inuu dowladnimada ceebeeyo, inuu umadda Somaliyeed magaceeda hoos u dhigo, in uu ka raadinaayo siyaasad, hogaan iyo darajo, waa nasiib-darro taas.”

“Siyaasiyiinta Somaliyeed waxaan ugu baaqayaa dalka iyo dadka u soo bandhigo ra’yi siyaasadeed oo dalka wax looga bedelaayo, oo dadka noloshooda wax looga bedelaayo. Sharafta iyo karaamada umadda Somaliyeed ay leedahay meesha maanta ay joogto kor looga sii qaadaayo.”

“In Saxaafadda xorta ah ee umaddu ay ku faanayso maanta aanay dalal badan oo xora oo Afrika ah, oo burbur iyo colaado aan soo marin aanay lahayn, loo isticmaalo in umadda lagu karaamo tiro sax maaha. Saxaafadana waxaan leeyahay walaalayaal dhegta Somaliyeed wax fiican maqashiiya, indhaha Somaliyeedna wax fiican tusa.”

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®