SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Musharxada Hillary Clinton oo istaagga ka dhacday

 

Hillary Clinton oo gacanta u haatineysa weriyayaasha
Musharraxa madaxweyne ee dalka Mareykanka, Hillary Clinton, ayaa waxa ku dhacay burakiito, ama oofwareen.

War qoraal ah oo la soo saaray kadib markii Clinton ay dhacday xilli ay munaasabad shacab ka qeybgaleysay ayaa arrintaasi lagu xusay.

Sawiro lagu baahiyay internetka waxa ay muujinayaan iyadoo caawiyaheeda uu kortaagan yahay.

Jilbaheeda suun ama xarig ayaa lagu xiray, waxaana lagu caawiyay gaarigeeda dhexdiisa.

Mrs Clinton ayaa markii dambe lagu arkay guriga gabadheeda, waxayna weriyayaasha u sheegtay inay "wanaagsan tahay".

Dhaqtarkeeda, Lisa Bardack waxa ay sheegtay in Hillary Clinton ay xanuunkaasi qaaday Jimcihii.

Waxa ay gabadha dhaqtarka u ah ay sheegtay in Clinton ay aad u kululaatay, jirkeedana uu biyaha ka dhammaaday intii ay ka qeybgaleysay munaasabad lagu xusayay 15ka sano ee laga joogo weerarkii daarihii Mareykanka lagu qaaday.

Hillary Clinton ayaa xilli hore meesha munaasabadda ka baxday kaddib markii ay xanuunsatay.

Musharraxa ay is hayaan ee Jamhuuriga, Donald Trump waxa uu kol hore soo bandhigay xaaladda caafimaadkeeda oo uu sheegay inuu liito.

Clark Judge, Waa waxa uu Khudbadaha u qori jiray Ronald Reagan, waxa uu sheegayaa "inay suuragal tahay in Clinton ay ka qeybgali wayso kullamo muhiim u ah, bilaha soo socda".


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®