SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidamada Kenya oo weerar gaadmo ah lagu qaaday Jubbada Hoose

 


Wararka aan ka heleyno deegaanada Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in weerar Dhabo gal ah ay dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM .

Kolonyo Ciidamada Kenya ka tirsan oo ka soo ambabaxay deegaanka Legta kuna sii jeeday Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa la sheegay in weerar gaadmo ah ay lo kowsadeen Dagaalamayaal hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab.

Weerarka ayaa sida wararka ay sheegayaan ku bilowday Qarax Miino oo la dhigay wadada dhinaceeda iyadoona uu xigay iska hor’imaad fool ka fool ah oo u dhexeeyay dagaalyahanada ka tirsan Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya.

Lama Oga khasaaraha rasmiga ah ee Kolonyadaasi Ciidamadaasi Kenya ka soo gaaray weerarkaasi ay ku qaadeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka soo dhigay in ay dileen Askar iyo Saraakiil Kenyan ah kadib weerarkaas ay kula kowsadeen Jubbada Hoose.

Balse ma jirto ilo Madax banaan oo xaqii jinaya sheegashada Xarakada Al Shabaab ee la xiriira khasaaraha ay gaarsiiyeen Ciidamadaasi Kenya.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®