SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mid ka mida Musharixiinta oo sheegay in Dilal Siyaasadeysan lala damacsan yahay

 


Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow oo ka mid ah Musharrixiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay walaac ka qabaan in dilal siyaasadeysan lagula kaco hadii ay yihiin Musharrixiinta Soomaaliyeed.

Musharraxaan ayaa tilmaamay in uu socdo abaabul qorsheysan oo lagu doonayo in lagu qaarijiyo Musharrixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxtinimo ee Soomaaliya iyo Odayaal dhaqameedyada sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Dr Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyow ayaa waxa uu Nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu sii joogo Villa Soomaaliya oo ah aqalka looga arrimiyo dalka.

Waxaana uu ugu baaqay in Xasan Sheekh uu isaga guuro Madaxtooyada Soomaaliya lana mid noqdo Musharrixiinta kale ee Soomaaliyeed.

“ haddii uu sii joogo Madaxtooyada waxa uu noqonayaa shaqsi xoogiisa ku joogo aqalka dalka looga arrimiyo” ayuu yiri Baadiyow.

Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh ee waqtiga ka dhamaaday ayaa lagu eedeeyaa in ay ku caan baxday ku tagri fal awoodda dowladda ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®