SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mucaaradka Kenya oo ku baaqay banaanbaxyo looga soo horjeedo xukuumd Uhuru Kenyata

Mucaaradka dalka Kenya ayaa sheegay in ay qorsheynaayaan banaan baxyo xoogan oo looga Soo horjeedo go’aankii dowladda Soomaaliya ku hakisay Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya.

Madaxda Xisbiga Mucaaradka ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay shacabka in ay isku soo baxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Kenya si ay u muujiyaan sida ay uga xun yihiin in dowladda Soomaaliya ay joojisay qaadkii loo soo dhoofin jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka uu qaadku ka baxo ku eedeeyay in ay shacabka kenyaan ay usoo jiideen dhibaatooyinka caburiyay noolashooda.

Shacabka ayay ugu baaqeen in ay sameeyaan banaanbaxyo Nabadeed oo ay ku muujiyaan sida ay uga xun yihiin dhibaatooyinka dhaqaale ee ay u horseedaday dowladooda.

Afhayeenka Xisbiga oo la hadlay wargeys ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in dowladda Kenya ay ku fashilantahay in ay wadahadal kala gasho dowladda Soomaaliya hakin qaadka ka hor go’aankii qaadka lagu hakiyay.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®