SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xiisadii iyo Dilalkii ka horeeyey ee degmada Caabudwaaq ka dhacey oo Xal laga gaaray

Xildhibaan Nuur Faarax oo ka mid ah Mudanayaasha kasoo jeeda degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay in xal laga gaaray dilal iyo sidoo kale Xiisad ka taagneyd degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Waxaa uu sheegay in wadahadalo dheer ka dib ay ku guuleeysteen in ay xaliyaan oo ay dejiyaan xiisadii ka taagneyd degmada Caabudwaaq.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado in Waxgarad aan waxba galabsan lagu dilo degmada , waxa uu sheegay in ay ku dadaali doonaan in aysan mardambe dhacdo noocaasi oo kale ah aysan ka dhacin degmada Caabud Waaq.

Degmada Caabudwaaq ayaa dhawaan waxaa lagu dilay 2 Nabadoono oo ka mid ahaa waxgaradka ugu caansan Galgaduud , waxaana sidoo kale lagu dhaawaacay ku dhawaad 7 qof oo ay dumar ku jiraan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®