SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiye Yuusuf Dabageed oo Eedeen U Jeediyay Maamulka Puntland

 

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar(Yuusuf Dabageed) ayaa ku eedeeyay maamul Puntland in uu usoo jeestay dhibaateenta Ganacsatada kasoo jeeda deeganada Gobolka Hiiraan ee Ganacsiyaha ku leh deeganada Maamulkaas.

“Puntland waxa aynu nahay dad walaalo ah oo wax walba ay ka dhaxeeyaan maamulkooda waa maamulkeena, ma ogi waxa ay u dhibaataynayaan Ganacsigeena iyo dadkeena, Ganacsigooda beledweyne ayuu joogaa, Gaalkacyo ayuu joogaa, Dhuuso Mareeb ayuu joogaa, xamar ayuu joogaa meel walba ayuu joogaa” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan yuusuf Axmed Hagar(Yuusuf Dabageed) ayaa ku tilmaamay mid lagu deg degay Go’aanadii lagu joojiyay Gaadiidkii ka tagi jirey deegaanada Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya ee tagi jirey deeganada Maamulkaas.

Amar dhawaan kasoo baxay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Mudane C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa lagu jojiyay dhamaan Gaadiidkii ka imaanayay deeganada Koonfurta iyo bartamaha dhulka Soomaliya ee tagi jirey deegaanada maamulka Puntland sababo lagu sheegay xaqiijinta amaanka.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®