SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Raisul Wasaarihii Hore ee Somaliya C/wali Sheekh oo Xasan Shiikh ugu Baaqay in uu Kasoo Baxo Madaxtooyada

 

Raisul Wasaarihii hore ee Somaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee xasan Shiikh Maxamuud in kasoo baxo Madaxtooyada Soomaliya.

C/wali Sheekh Axmed Maxamed Raisul Wasaarihii hore ee Somaliya ayaa sheegay Madaxweyne Xasan sharci ahaan maanta inuu ugu eeg yahay xilliga rasmiga ah ee uu sii haynayo jagada madaxtinimada dalka, islamarkaana wixii maanta ka dambeeya loo baahan yahay inuu la mid noqdo Musharaxiinta dalka ku sugan.

“Hada Musharaxiinta ayaa la mid tahay Kursiga ayaad ka degaysaa, Villa Somaliyana waad ka soo baxeysaa, Babuurta aan xabadaha Karin anagaba ma haysano, meesha aan joogno meel ka xun lagu geyn maayo, meeshaas unbaad tageysaa, Madaxweynaha waqtiga waa uu ka dhamaaday mana aanan ogin sharci uu ku sii joogi karo”

Maanta oo kale afar (4) sanno ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha iminka waqtigiisu ka dhammaaday ee Xasan Sheekh Maxamuud uu ku fadhiistay kursiga Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya ( Villa Somalia) , xilligaasoo aheyd markii ugu horeysay ee uu ka soo dhex muuqday siyaasadda Soomaaliya si rasmi ah.

Guushii Xasan Sheekh Maxamuud ee Madaxtinimada sanadkii 2012 waxa ay filan-waa ku noqotay dad badan oo saadaalinayay siyaasadda iyo shaksiyaadka xilligaasi loolamayay.

 


HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®