SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxa uu kulankaa ka sheegay in wax wada qabsiga

Dawladda fedaraalka Itoobiya, ayaa ka hadashay iskaashiga ka dhaxeeya dalkeeda iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada horumarka iyo waxbarashada, sida ay baahisay wakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo aanu warkan ka soo xiganay.

Sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, oo Jimcihii shalay la kulmay Wasiirka Khaarajiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo socdaal shaqo ku jooga Magaaladda Addis-ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, waxa uu kulankaa ka sheegay in wax wada qabsiga qotodda dheer ee dalkiisu la leeyahay Somaliland la sii xoojin doono gaar ahaan dhinacyada nabadgelyadda, lana sii balaadhin doono horumarka iyo waxbarashadda.

Wasiir Dr. Tedros, waxa uu ku dooday cilaaqaadka Somaliland iyo Itoobiya ay ka soo bixi karaan natiijooyin wax ku ool ah oo ku wajahan inay Mandaqaddu ku tallaabsato himilooyinkeeda horumarinta.

Dhinaciisana Wasiirka Arimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, ayaa si weyn u soo dhoweeyey iskaashiga ay Itoobiya la leedahay Somaliland, waxaanu Itoobiya uga mahad-naqay sida ay uga go’an tahay inay iskaashiga labada dhinac sii balaadhiso.

Dr Sacad Cali Shire waxa kale oo uu intaas ku daray in Itoobiya iyo Somaliland ay si wada jir ah uga wada shaqaynayaan sii xoojinta iskaashigooda iyadoo aasaas looga dhigayo maslaxadda labada dal.


HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®