SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/09/2016
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xoolo dhaqato Soomaali iyo Kenyan ah oo ku dagaalamay gudaha dalka Kenya

Ugu yaraan 4 Ruux ayaa ku dhimatay kadib markii Iska hor’imaad culus uu ka dhacay Degaano hoostaga Magaalada Isiolo ee Dalka Kenya.

Iska horimaadkaan oo u dhaxeeyay Xoolo dhaqato Soomaaliyeed iyo kuwa Kenyan ah ayaa waxuu salka ku hayaa la haanshaha Dhul beereed oo halkaasi ku yaalla.

Labo kale ayaa weli la weysan yahay halka ay jaan iyo carib dhigeen, kadib markii uu halkaasi ka dhacay iska horimaadka u dhaxeeya labada dhinac.

Guddoomiyaha Degmada Isiolo, George Natembeya ayaa waxuu sheegay in Deegaanada lagu diriray ay u daabuleen Ciidamo Boolis ah kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay sameyn doonaan baaritaano kala duwan.

Guddoomiye George Natembeya ayaa waxuu ku baaqay in la soo xiro islamarkaana maxkamad la soo taago Shaqsiyaadkii soo abaabulay in halkaasi uu ka dhaco Iska horimaad khasaaro geystay.

Xaaladda ayaa ugu dambeyn daggan waxaana halkaasi ka socda howlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ay wadaan Xoogaga Booliska ee Dalka Kenya, iyadoona aan weli la shaacin hadii ay jiraan Dad ay soo qab qabteen.

HOME
kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®